Maxaa Xiligaan Keenay In Kooxda Shababka Ugaarsadaan Beelo gaar ah

Somalia news

Faahfaahino hordhac ah ayaa laga helayaa qaraxyo iyo weeraro lagu qaaday qeybo ka mid ah Xeryaha Ciidamada Dowladda Federaalka ee Magaalada Mogadishu, iyadoo weeraradaasi ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada Shababka..

Weeraro loo adeegsaday Basuuke-7 (Garneelo) lagu qiyaasay ilaa 7-Xabbo ayaa lagu qaaday Xarunta Wasaarada Gaashandhigga iyo Ex-Xerada Ciidamada Guulwadayaasha, iyadoo ay qaar ka mid ah la sheegay iney ku dhaceen xaadafaha Shirkoole iyo Xerada Oodweyne ay ku badan yihiin Dad ka soo jeeda Beesha Cadaado iyo Baxdo.

Dhanka kale tiro Dabley ah ayaa weerar ku qaaday bar-kontorol oo ay ku sugnaayeen Ciidamo Boliis ah Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, waxaana is qabsatay rasaas culus iyo qaraxyo, iyadoo maleeshiyaadka Shababka ay xoojiyeen weerarada lagu Bartilmaameedsanaayo Dadka ka soo jeeda Beelaha Saleymaan iyo Xawaadle ee Beel weynta Hawiye.

211590cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay In Kooxda Shababka Ugaarsadaan Beelo gaar ah