Madaxweynaha Somalia Oo loogu Baaqay inuu Dalka u Adeego Safarada Yareeyo

Somalia news

Muaadiniin Soomaaliyeed ayaa welwel iyo shak ka muujiyay Waxqabadka Madaxweyne Dalka, kadib markii Safarkiisii 6-aad uu soo dhameystay dalkana dib ugu soo laabtay, markii uu dalka Tanzania uga qeyb galay shirka Ururka EAC….

Iyadoo Amaanka Dalka iyo Caafimaad darrada Caasimada ay u baahan tahay Shaqo & wakhti badan la geliyo, ayaa Madaxweynaha ayaa la filayaa in maalinta berri uu safarkiisii 7-aad ugu ambabaxo, isaga oo ku sii jeeda dalka Egypt oo ka mid ah dalalkii martiqaadka u soo diray kadib markii uu ku guuleystay doorashadii Madaxweynaha 15 May.

Shacbiga Magaalada Mogadishu oo Dhibaato xoogan ka heysato Biyaha roobka oo wadooyin badan ay xirmeen wasaq iyo Nadaafad xumo oo ay dhasheen biyaha Roobka, sidoo kale amaan darro baahsan ayaa xiligaan wajahayaan Shacbiga, waxaana loogu Baaqayaa Madaxweynaha inuu yareeyo Dalka dibadiisa oo u daacad ay ugu adeego Shacibiga Soomaaliyeed oo xilgaan Amaan darro baahan la halgamayaan isla markaasna yareeyo safarada dibada yareeyo.

203120cookie-checkMadaxweynaha Somalia Oo loogu Baaqay inuu Dalka u Adeego Safarada Yareeyo