Farmaajo Oo Qorsheynayaaya Inuu Agaasinka NISA Magacaabo Dhowaan..

Somalia news

Macluumaad hordhaca ayaa muujinaaya in Madaxweynaha oo xilka ka sii degaaya Mr.Farmaajo, uu wado qorshe uu ku doonaayo inuu ugu magacaabo Xilka Agaasimaha KMG ah ee NISA Cabdiraxmaan dheer oo horey uga soo goostay Kooxda Shababka..

Xiligaan kala guurka ah oo sharci ahaan au khalad tahay in Xil la magacaabo isla markaasna uu Dalku ku jiro firaaqo Dastuuri ah (constitutional Vacuum) iyo Qalalaase siyaasadeed oo ka dhex taagan Farmaajo & Rooble isla markaasna aan xal loo helin, ayuu go’aansaday inuu magacaabo Agaasimaha KMG ee Hey’adda NISA si loo carqaladeeyo soo af jarida Xulashada dadban & Doorashada Gudoonka Baarlamaanka cusub.

Cabdiraxmaan Dheere oo ku hungoobay inuu Kursigiisa (Xildhibaanimo) ku soo laabto, ayaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa koox Xadgudubyo xuquuqda Muwaadinka geysteen sanadihii 2017-2022-ka, wuxuuna ka mid ahaan jiray Kooxda Shabaabka ka hor inta uusan soo galin siyaasadda, waxaana lagu tiriyaa inuu kamid yahay shaqsiyaadka mas’uulka ka ah inay Shabaab badan ku biiraan Hey’dda NISA.

Farmaajo ayaa sii wada magacaabista Madaxda Amniga si uu u sii huriyo qalalaasaha siyaasadeed ee xiligaan taagan, waxeyna magacaabistaan horseedi karta inuu khalkhal galo in si nabad ah loo kala wareejiyo Xildhibaanada Barrlamaankii hore iyo midka cusub.

176690cookie-checkFarmaajo Oo Qorsheynayaaya Inuu Agaasinka NISA Magacaabo Dhowaan..