Maxaa Xiligaan ka Dhalan kara Ku Tumashada Dastuurka, Awood-sheegashada Hogaanka Dalka iyo Hey’adaha Amaanka

Somalia news

Laga soo bilaabo horaantii sagaashamaadkii kadib burburkii Nidaamkii Dowladeed kala dambeynta iyo dhowrista Sharciyada oo laga dhaxlay fowdo iyo dagaal sokeeye oo daba dheeraaday Dad iyo Duunyaba galaaftay, waxaana sabab u ahaa in Hogaankii, Siyaasadii iyo dhaqaalihii Dalka ay isku koobeen tiro yar oo Dalka iyo Dadka ka galay Dembiyo aan la isku xisaabin…

Wixii ka dambeeyay Nidaamyadii Dalka laga hirgeliyay waxey ku fashilmeen iney Dalka loo qoro Dastuur wadar oggol ah oo gundhig u noqda Dowlad loo wada siman yahay, Maamulada qaarkood ayaa ku dhiiraday iney si bareer ah u geystaan dembiyo u baahan in lagu maxkamadeeyo Mas’uuliyiinta, waana halka ay ka dhismi la’dahay Nidaamka Dowlada.

Ku darsoo Waxaa marqaati ma doonto ah in Saraakiil iyo Dad Rayida oo caadifad Beel ku shaqeynaaya ay si qorsheysan u geysteen Muwaadiniin Soomaaliyeed Dilal, Afduub iyo Xari sharci darro ah, falalkaan oo inta badan laga soo maleegey xarumaha Madaxtooyada iyo Hey’adaha Amaanka, kuwaasoo ku dhiiraday iney loo fududeeyay Saraakishii dembiyada geystay iney Dalka ka baxsadeen intii aan Xilka la kala wareejin, halka qaar kale Xildhibaano u xuubsiibtay si ay xasaanad u helaan.

Hadaba Waxey shacabku u ooman yihiin in Cadaalad, Xiligaan Dalka waxaa ka socda Olole lagu xidido siibaayo Kooxda Argagixisada, Hogaanka Dalka iyo Saraakiisha Hey’adaha Amaanka ayaa lagu eedeeyay iney tiri badan oo Muwaadiniin ah si sharci darro ah Xabsiyada ugu hayaan in 35-maalmood kuwaasoo aan wax maxkamad ah la horgeynin, sow ma haboona in Muwaadiniintaasi ay Cadaalad helaan oo hadii ay Dembiyo Dalka iyo Dadka ka geysteen la horkeeno Maxkamad ama xoriyadooda loo soo celiyo lana xisaabiyo Saraakisha ku xadgudubtay xuquuqdooda Muwaadinimo.

221600cookie-checkMaxaa Xiligaan ka Dhalan kara Ku Tumashada Dastuurka, Awood-sheegashada Hogaanka Dalka iyo Hey’adaha Amaanka