Boqorka Sacuudiga oo Wiilkiisa u Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi. 

World

Wararka naga soo gaaraya Dalka Sacuudiga ayaa sheegaya Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sacud ayaa wiilkiisa Amiir Maxamed Bin Salmaan oo ah dhaxalsuge u magacaabay inuu noqdo Madaxa Xukuumadda (Ra’iisul Wasaare) kaddib markii uu isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirada…

Boqor Salmaan oo Amiir Maxamed u carbinaya in uu xilka si tartiib-tartiib ah ula wareego maadaama uu yahay qofka uu la rabo haddii uu kahor geeriyoodiisa inuu maamulo Dalka Sacuudi Arabia si aanay u dhumin awoodda ay isku koobeen qoyskaan.

Maxamed Bin Salmaan oo qaab dhaxalsuge ah u qabto shaqada marka laga reebo go’aamada waaweyn oo uu aabihiis gaaro waxa uu galaalngal wanaagsan ku leeyahay hab maamulka boqortooyo ee Sacuudiga.

Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa ka dalacay xilka Wasiirka Difaaca (Gaashaandhigga) Boqortooyada Sacuudiga, wixii maanta ka dambeeya waxa uu maqaamkiisa noqon doonnaa Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi.

Isku shaandheynta Golaha Wasiirada Sacuudi Carabiya ma saameyn Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalkaas Amiir Faysal Bin Farxaan Al-Sacuud, Wasiirka Maaliyadda Sacuudiga Maxamed Aljadaan & Wasiirka Maalgashiga Khaalid Al-Faalix.

215900cookie-checkBoqorka Sacuudiga oo Wiilkiisa u Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi.