Xiisadaha Ku Gedaaman Xeerka Jinsiga iyo Dhibaatada ka dhalan karta

Somalia news

Inkastoo tirada guud ee kufsiga uu aad u kordhay sanadihii ugu dambeeyay, gaar ahaan Magaalooyinka Mogadishu, Hargeysa, Qardho, Garoowe iyo Kismaayo, shakina laga keenay in la dhiiri/maalgeliyo, hadana waxaa marqaati ma doonto ah in Muwaadiniin badan ay ka soo horjeeda Sharciga Jinsiga ee ay Maalgelinayaan Dalalka Norway iyo Holland…

Hadii Sharcigaan farta lagu goday laga biyo diiday maxaa diidaya in diyaariyo Sharci cad oo ku saleysan Shareecada Islaamka, kooxahaan Gabadhaan Xilka Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka heysa ay hormuudka u tahay ayaa ku eedeysay kooxo ku gabanaaya Diinta Islaamka ay hortaagan yihiin meel marinta Sharciga Jinsiga.

Inkastoo ay khudbadeeda ay Xanaf laheyd isla markaasna kicisay xasarado aan dhamaan sanadaha soo socda, waxeyna baraha bulshada ka abuurtay Dood 24-kii saac ee u dambeysa, waxeyna weerar toos ah ku qaaday “Ragga” iyadoo adeegsatay “Nimanka Diinta ka kor baxaaya” hadii ay Xadgudubyada ka joojin waayaan Dumarka in Sharciyada Gaalada loo dhawanayaa.

Sharciga Jinsiga ayaa ka mid ah tiro Sharciyo qabyo ah oo buuq badan dhaliyay, wuxuuna loo gudbiyay Baarlamaanka si looga doodo, Dadka naqdiya Sharcigaan ayaa farta ku goday inuu fasaxaayo isku galmoodka Ragga -Ragga iyo Dumar-Dumarka, waxaana la mid mid ciqaabta in 10-sano ilaa 20 sano oo xariga ah.

227910cookie-checkXiisadaha Ku Gedaaman Xeerka Jinsiga iyo Dhibaatada ka dhalan karta
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com