Deni & Demuqaraadiyadiisa Qardajeexa ku Dhisan Ee Puntland

Somalia news

Intii uu Xilka haya Madaxweynaha Puntland, wuxuu kasbaday Kooxo Mucaarad ku ah aragtidiisa Hogaamineed, cid kaleba ha joogtee waxey kala tageen kooxdii bud-dhiga u aheyd doorashadiisa, waxaana u bilaawday sanadkii ugu dambeeyay ee muddo xileedkiisa, isagoo xitaa jufadiisa Dabka saaray…

Mr.Dani oo xiligaan ku sugan Go’doon siyaasadeed, ayaa dhawaan ku dhawaaqay in la aadaayo Doorasho qof iyo cod laga gudbay marxaladii Dowlad dhiska loo gudbay Nidaamka Xisbiyada ee Puntland, inkastoo xiligaan degaanadaasi uusan muuqan qabanqaabada taabagelinta Qorshshaan.

Khubarada u dhuun daloola arrimaha gudaha Puntland ayaa iska taagay laba xagal oo kala duwan, iyadoo Ururada Siyaasada iyo daneeyayaasha arrimaha Puntland aysan weli xaajada u sameyn dheef-shiid wanaagsan kana qaadan weli go’aanka Madaxweynaha ee Doorashada Qof iyo Cod.

Inkastoo Madaxweynaha lagu bogaadiyay tijaabada nidaamka doorashada 3-da Degmo, hadana Dadka Dhagahooda waxaa ka guuxaaya sida loogu ragaaday tijaabada, Marka la isku daro Qarda-jeexa siyaasadeed ee Mr.Dani sida uu u maamulay Doorashada Degmada Eyl, waxey muujineysaa in xaajadu ay tahay ”Faanoole fari kama qodna”.

Si kastaba, waxaa lama huraan ah in Madaxweyne Dani muddada kooban ee u harsan & howlaha baaxada leh ee horyaala, waxaan shaki ku jirin in Mr.Dani Wada tashi ka geliyo xaajada go’aanada uu qaadanaya uu ku saleeyo danta guud ee uusan marin Wadadii Farmaajaha Fashilmay.

215120cookie-checkDeni & Demuqaraadiyadiisa Qardajeexa ku Dhisan Ee Puntland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com