Caqabadaha Madaxweynaha Cusub horyaala & Fursado uu ku sixi karo Khaladaadkiisii hore

Somalia news

Mr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xilli dambe loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha 10-aad ee Somalia, kadib guushii uu ka soo hoyey doorashada ka dhacday Teendhada Afisioni, wuxuuna helay 214 cod, halka Farmaajo uu helay 110, iyadoo ay Doorashadaani soo af jartay xasilooni darro siyaasadeed oo soo jiitameysay muddo 5-sano 4-bilood…

Waa Kuma Madaxweynaha la doortay:-

Xasan wuxuu dugsiyo hoose/dhexe iyo sare uga baxay magaaladii uu ku dhashay, kadib waxa uu u soo wareegay Muqdisho sanadkii 1978-kii, halkaas oo uu wax ka bartay Jaamacaddii Ummadda, 1981-kii, wuxuu ka qaatay shahaadada cilmiga tignoolajiyada, Sannadkii 1986-kii, Xasan wuxuu u socdaalay dalka Hindiya oo uu wax uga soo bartay Jaamacadda Bhopal (Barkatullah University), isagoo halkaasi uu 1988-kii ku dhameystay waxbarashada mastar-ka.

Intii uu xukunka hayay 2012-2017, waxaa lagu eedeeyay inuu qaladaad tiro badan uu maamulkiisa galay, sida dhaca & boobka hantida qaranka, isagoo lagu eedeeyay inuu hanti Qaranka Soomaaliyeed leeyahay oo Banuug dibadaha ah isku dayay inuu la baxo, wuxuu caan ku noqday boobka dhulka iyo xubnaha kooxdiisa ee Damu-Jadiidka uu u sed-buriyo, Wuxuuna dhaqaale kor u dhaafaya malaayiin dollar ka sameeyay awooda Xafiiska.

Madaxweynaha la doortay waxaa horyaala fursado badan oo uu ku sixi karo khaladaadkii hore, waxaa ka mid ah dejinta shuruucada is-maamulka iyo xaqa codeynta Gobolka Benadir & baahinta Federaaleynta Maamulka, Canshuurta iyo Difaaca, sixida Hanaanka Garsoorka Dalka iyo qorista Ciidamada, guddi u saarista Kiisas badan oo cadaalad u baahan iyo soo celinta Dhalinyarada Eritrea ku go’doonsan, hadii dhaqankiisii hore uu ku laabto wuxuu lamid noqon doono sida Farmaajaha fashilmay.

188940cookie-checkCaqabadaha Madaxweynaha Cusub horyaala & Fursado uu ku sixi karo Khaladaadkiisii hore