Kenya Oo Macaash Dhaqaale ka Faa’iiday Qaadka Somalia u soo Dhoofiso Bil Gudaheed 

Somalia news

Warbixin macaash dhaqaale oo hordhac ah ayaa muujineysa in Ganacsatada Qaadka ee Kenya ay hal bil gudaheed u soo dhoofisay qaadka Miraaga qiimihiisu gaarayo 1 bilyan oo Sh.Kenya ah, taasoo u dhiganta $8.3 milyan oo dollar, tan iyo markii uu dib u soo laabtay ganacsigii Qaadka xayiraadii laga qaadey…

Madaxa Miraa Pyrethrum iyo Dallagyada Felix Mutwiri ayaa sheegay in Dalkiisa ilaa hadda ay Konfurta Somalia u dhoofiyeen 375 tan saddexdii todobaad e u dambeysay.

Dakhliga ayaa si kastaba ha ahaatee, hoos u dhac ku yimid tirada ay Kenya u ogolaatay in ay u dhoofiso Somalia Markii hore, Nairobi waxaa loo oggolaaday inay iibiso 40 tan maalin kasta, laakiin hadda waxay soo dejin kartaa ugu badnaan 19 tan isla muddadaas.

Waxaa ilaa hadda shatiyo dhoofinta daroogada qaadka Miiraaga la siiyey ​​48 ganacsato ah iyadoo la raacayo shuruucda cusub ee Miiraga. Qof kasta oo dhoofiya dallagga beeraha isaga oo aan diiwaangelin iyo ruqsad haysan waxa uu mutaysanayaa xarig dhan saddex sano ama ganaax lacageed oo dhan ilaa 5 milyan oo shilinka Kiinya ah ah sida uu qabo xeerkan cusub.

208050cookie-checkKenya Oo Macaash Dhaqaale ka Faa’iiday Qaadka Somalia u soo Dhoofiso Bil Gudaheed