Dhaqaalaha Ay Soo Xawilaan Shaqaalaha Kenya Ee Sacuudiga Xoogsaday oo Kordhay Sanadkaan

Africa News

Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya in Shaqaalaha u dhashay Dalka Kenya ee ka xoogaaday Dalka Sacuudiga ayaa noqday Isha dhaqaale ee Xawaaladaha iyo Bangiga Dhexe ee Dalka Macaash badan ka Sameeyaan sanadihii ugu dambeeyay, taasoo dhiiri gelisay iney kordhaan tirada Xoogsayada Kenya…

Muwaadiniinta Kenya oo shaqo la’aan baahsan ku heysa Dalka gudihiisa ayaa dantu ku kaliftaa iney u haajiraan Dalalka Khaliijka kuwaasoo Tacadiyo baahsan lagula kaco, talabaadaan ayaan hoos u dhac ku keenin Qulqulka Muwaadiniinta Kenya.

Xogo maaliyadeed ayaa ifinaaya in qulqulka lacagaha ay aad sare u kaceen, waxeyna dhiiri gelisay in Dadka u shaqo tagaaya Bariga dhexe ay aad u kordheen, tirakoob uu sameeyay Bangiga dhexe ee Kenya ayaa muujinaaya in 22,65 Bilyan KSh una dhiganta 187-Millions US$ ay Kenyaanka ku nool Sacuudiga ay Dalkooda dib ugu soo direen, sideedii bilood ee ugu horeysay ee Sanadkaan.

Tani waxey ka dhigeysaa in Dalka Sacuudiga uu kaalinta 3-aad ka galay Dhaqaalaha ay Muwaadiniinta Kenya dib ugu soo diraan Dalkooda, Waxaa kaalinta 1-aad ku jira Dalka USA oo laga soo diro dhaqaale dhan 188,8 Bikyan Ksh, una dhiganta 1,5 Bilyan US$, halka UK oo laga soo diro 25,4 Bilyan Ksh una dhiganta 209,8 Millions US$.

215410cookie-checkDhaqaalaha Ay Soo Xawilaan Shaqaalaha Kenya Ee Sacuudiga Xoogsaday oo Kordhay Sanadkaan