Laba Qarax oo Xoogan ayaa Ka Dhacay Afaafka hore ee Xerada Lama-galaay B/Weyne

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Laba Qarax oo is xigxiga oo ka dhacay Magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa loo adeegsaday Gaadiid laga soo buuxiyey walxaha qarxay, kuwaasoo ahaa ismiidaamin, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka…

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadan lagu bartilmaameedsaday xerada Lama Galaay oo ay ku yaallaan xafiisyada ay ku shaqeeyaan mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle, Qiiq weyn ayaa ka muuqda goobta qaraxa, waxaana ku geeriyooday Wasiirkii Caafimaadka Hirshabelle Marxuum Zakariye Hurre iyo Guroomiye kuxigeenkii Gobolka Abuukar Maadeey.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jirto ilaa wax war ah oo laga soo saaray, waxaana socdo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

217010cookie-checkLaba Qarax oo Xoogan ayaa Ka Dhacay Afaafka hore ee Xerada Lama-galaay B/Weyne
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com