Maamulada Gobolada Qaarkood oo lagu Eedeeyay iney ka Gaabiyeen Dagaalka Kooxda Argagixisada

Somalia news

Madaxweynayaasha Maamulada Gobolada ee Galmudug, Konfur galbeed iyo Jubbaland, ayaa waxaa haysta dhibaatooyin is biirsaday ku aadan sidii ay degaanadooda uga bilaabi lahaayeen Gulufka, waxeyna Mas’uuliyiintaan qaarkood ka cabsi qabaan Xoogaga Mucaaradka iney ka Faa’ideystaan dagaalka Argagixisada…

Wararka ayaa sheegay in Maamulada ay heystaan Ciidamo ubadan Hal Beel mana aaminsana Xoogaga hubeysan ee Beelaha degaanka, iyagoo si hoose u sheegay ineysan oggolaan doonin iney Safafka dagaalka Soo galaan, waana taasi sababta s u bilaabi la’yihiin Dagaalka, waxeyna fursad siisay kooxda argagixisada oo xoogoodii sugi geysay Gobolada bariga Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Dowlada Fadaraalku ayaa u caddeysay Maamulada iney taageeri doonto Maamuladaan hadii ay dagaalka bilaabaan Rasaas iyo Shidaal, Dhanka kale, Qorqor ayaa lagu wadaa inuu u dhoofo magaalada Djibouti si uu uga qeyb galo Xaflada Arooska ee Saadiq Joon iyo Carmalada oo lagu wado iney barito ka dhacdo Caasimada Dalkaasi, iyadoo kooxaha Mucaaradka Galmudug ay ku eedeeyeen inuu hortaagan yahay dagaalka kooxaha argagixisada.

229630cookie-checkMaamulada Gobolada Qaarkood oo lagu Eedeeyay iney ka Gaabiyeen Dagaalka Kooxda Argagixisada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com