Sidee Danaha Dhaqaale Doonka ee Is-Diidan Ee France & UK Amaanka Somalia Khalkhal ugu Geliyeen..

Somalia news

Heshiiska Is-afgaradka ee ay Ethiopia 1-dii Bisha January Dowlada Ethiopia la saxiixatay Maamulka Gooni goosadka Somaliland ayaa la xaqiijiyay inuu ka dhashay Danaha is-diidan ee Dalalka France iyo UK, iyadoo Dowlada Ingriiska ay muddo 12-sano ka mid aheyd Dalalka dhaqaalaha ku bixiyay dib dhiska Nidaamka Dowladeed ee Federaaleynta Somalia…

In kastaoo Nidaamka 4,5 uu cadaaladdarro iyo saameyn badan ku yeeshay Dhismaha Dowlad wanaaga ragaadiyay Horumarka Dalka, Nidaamkaan ayaa Wuxuu ka dhigay Hanaanka Dowladeed mid siyaasiyiinta xiligaan ka macaasha caqabadaha siyaasadeed ee ay ka dhaxleen kadib markii uu aad u kordhay Khilaafka iyo muranka.

France oo dhismaha Nidaamkaan markii hore lug ku laheyd ayaa dibeda laga dhigay sanadkii 2012-kii, caradii ay ka qaaday ayeey u wareegtay Ethiopia, iyadoo Mashruuca dib u habeynta Ciidamada Badda Ethiopia ka dhaadhicisay Maamuladii isaga dambeeyay kuna guuleystay in la siiyo Qandaraaska dhismaha Dekada, dhismaha Wadada iyo Iibka Maraakiibta Dagaalka.

Halka Boqortooyada UK ay maalgeliyeen dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada iyo Amniga Somalia, Talaabooyinka kake ee Dowlad dhiska Somalia ku taageertay UK waxaa ka mid ah qaadidda Cunaqabateynta hubka, Cafinta Deymaha Dalka, ku darsoo waxey weli u heelan tahay in Somalia laga hirgeliyo hagaajinta doorka Siyaasiyiinta iyo baahida la xisaabtanka siyaasadeed.

Nidaamka Somalia oo xiligaan taagan is-goys khatar ku ah jiritaankiisa, ayaa waxaa la gudboon Siyaasiyiin iyo Shacbi iney meel uga soo wada jeestaan kuwa cadowga ku ah Horumarinta & dhismaha nidaam dowladeed oo Dalka ka saari kara Mugdiga Mustaqbalka Caruurta Soomaaliyeed

302990cookie-checkSidee Danaha Dhaqaale Doonka ee Is-Diidan Ee France & UK Amaanka Somalia Khalkhal ugu Geliyeen..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com