Hogaanka Suufiyada Oo Muujiyay iney Xiligaan Heshiis & Nabad Diyaar u Yihiin

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa mareen ayaa sheegaya in Horjoogayaasha Kooxda Suufiyada ay muujiyeen iney diyaar u yihiin iney heshiis la gaaraan Maamulka Villa Somalia isla markaasna Nabada qaataan…

Kooxdaan hubeysan ayaa sideeddii bilood ee ugu dambeysay isu uruursaneysay deegaanka Bohol oo dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb, kadib dagaalkii bishii October ka dhacay Magaalada Guriceel.

Ilo ku dhow dhow Horjoogahooda Guud ee Ururka Suufiyada, Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegaya in Villa Somalia ay ka doonayaan inay ka soo qaybgeliso dadaalada nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta, si xal looga gaaro xurgufta kala dhaxeysa Madaxtooyada Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii Khamiista ka hadlayay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa madaxda iyo bulshada reer Galmudug kula dardaarmay iney ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is qabsadaan, si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.

192920cookie-checkHogaanka Suufiyada Oo Muujiyay iney Xiligaan Heshiis & Nabad Diyaar u Yihiin
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com