Ma Og-tahay in Ciidamada ATMIS aysan Raashinka ka soo Iibsan Suuqyada Mogadishu

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa tilmaamaya in Qeybaha kala duwan ee Ciidamada, Boliiska iyo Rayidka ATMIS Raashinka, Qudaarta iyo Cabitaanada aan laga iibin Suuqyada Magaalada Mogadishu, iyadoo la sheegay in Qanadaraasyo lagu siiyay Qandaraslayaal Shisheeye iyo kalkalayaal Somali ah kuwaasoo macaash badan ka sameeya Quudinta…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay Saadka Ajaaniibta, Ciidamada ku nool Xeyndaabka Xalane ay 2-3 Duulimaad oo xamuul ah todobaadkii keenaan Xerada Xalane sida Raashinka, Khudaarta, Hilibka iyo Kaluunka laga soo dhoofiyo Dalka Kenya halka Qeybaha Cabitaanada kala duwan iyo kuwa Alkoolada laga keeno Dalalka Cyprus iyo Uganda, iyadoo dib loo iib geeyo Suuqayada magaalada Mogadishu.

Ganacsigaan xaaraanta ah ayaa cabasho iyo qeylo dhaan waxaa ka soo saaray Ganacsatada iyo Gadisleyda Soomaalida, iyadoo sheegay iney dhibaato xoogan ku qabaan alaabtaan oo Canshuur la’aan lagu soo geliyo Dalka, si suuq madow ah loo geeyo Suuqyada Magaalada isla markaasna sicir barar xoogan ku haya Suuqyada, ku darsoo ATMIS iyo   Xafiisyada UN-ka ma doonayaan iney Dalka si fudud uga baxaan waxeyna sanad kasta ka dalbadaan Muddo kordhinta Golaha Amaanka.

250270cookie-checkMa Og-tahay in Ciidamada ATMIS aysan Raashinka ka soo Iibsan Suuqyada Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com