Xildhibaano Puntland oo tegey Xarunta Maxkamadda Garoowe oo Ciidamo lagu dalbadey! 

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa muran ka dhashay Xildhibaano shalay kormeer ku tagay Xarunta Maxkamada Sare, iyagoo ka sheegay Kalfadhigii Golaha ee shalay oo Axad aheyd in Maxkamaddii ay xasaanadda u diideen ay shaqeyneyso, xukuno xabsi ahna ay rideyso…

Xildhibaanad Maryam Cismaan Axmed ayaa sheegtey in mid kamid ah Garsoorayaashii xasaanadda loo diidey uu xirey Caaqilkeygi kuna xirey dembi la’aan aan ka ahayn awood sheegasho.

Sida uu golaha wakiilada ka sheegay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax ( Abuu baraa), caaqilka la xirey oo u dhashey beesha Amaanle waxaa lagu magacaabaa Caaqiil Maxamuud Cabdi Faarax, waxaa lagu xirey inuu ku yiri mid kamid ah garsoorayaashii xasaanadda loo diidey sidee ayaad weli ku shaqeyneysaan idinka oo aan xasaanad haysan.

Dooda Xildhibaanada ayaa u badneyd in Madaxweynaha la soo gole joojiyo oo wax laga weydiiyo Xiisada garsoorka, waxaana ugu dambeyntii la isku raacay in guddi loo diro Madaxweynaha arrintan kala hadla.

Golaha garsoorka ee maxkamadda sare ayaa baarlamaanku u diidey ansixintii, waxayse ku shaqeynayaan Amar Madaxweyne oo aan la ogeyn qodobka uu u cuskadey.

203350cookie-checkXildhibaano Puntland oo tegey Xarunta Maxkamadda Garoowe oo Ciidamo lagu dalbadey! 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com