Mas’uul ka tirsan Maamulka Deni ee Puntland oo Laga Horjoogsaday inuu Degaan Booqdo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanada Puntland ayaa sheegaya in Wasiir Ku-xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka badda Puntland Qaasim Maxamed Yuusuf ayaa loo diiday in tago degaanka Gardafuu, kadib markii ay Dadka degaanka & Maleeshiyaad hubeysan ay jid-gooyo u dhigteen…

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Wasiir Qaasim oo rabay in uu tago degaanada Bareedo, Caluula iyo Murcanyo ayaa waxaa jid-gooyo u dhigtay tiro Dadka degaanka & Maleeshiyo beeleed degaanka ka soo jeeda oo diidan safarkiisa, wuxuuna dib uga soo laabtay halkii uu ka yimid, kadib safar 5 maalmood qaatay oo ku dhaafi waayay tuulada Hoodaa oo hoostada degaanka Murcanyo.

Mas’uulkaan ayaa doonayay inuu degaanada Gardafuu u tago arrimo la xiriira doorashooyinka Puntland, gaar ahaan wacyigelinta iyo diiwaagelinta Dadweynaha oo la qorshaynayo in ay degaanadaasi ka bilaabato bisha Jannaayo ee sanadka 2023, Qaar ka mid ah waxgaradka degaanka ayaa cabasho ka muujiyay shaxda soohdimeynta ee Wasaarada Arrimaha Puntland u sameysay.

231240cookie-checkMas’uul ka tirsan Maamulka Deni ee Puntland oo Laga Horjoogsaday inuu Degaan Booqdo