Maxaa Xiligaan Keenay Iney Kooxda Shababka Ka Talaabaan Xadka Somalia & Ethiopia

Africa News

Todobaadkii hore Faraca Kooxda Al-Qa’ida ee Maleeshiyaadka Shababka ee bariga Africa ay ku guuleysteen isku day 2-jeer ah iney markii ugu horeysay ka talaabaan Xadka Somalia & Ethiopia, iyagoo duulaan xoogan ku qaaday gudaha Dalkaasi, una suurto gashay iney masaafo dhan 150-Km gaaraan..

Dirirtaan ayaa muddo todobaad socotay, iyadoo ay ka qeyb qaateen Boqolaal Maleeshiyo oo kooxda ka tirsan iyo dhaliyaro ka soo jeeda Qowmiyadaha Soomaalida & Oromada (OLF) kuwaasoo muddo bilooyin ah lagu tababaraayay xeryo ku yaal gudaha Dalka Somalia, iyadoo intooda badan Maleeshiyaadka Shababku gaareen Dhulka Buuralayda Bale ee Oromada.

Xogo ayaa tilmaamaya in Sanadkaan bilowgiisii lagu qabtay tiro Maleeshiyaad ka tirsan Shababka gudaha Aaga Bale ee Dhulka Oromada, inkastoo aan la hubin tirada guud ee Kooxda geysay Keymaha Buuraleyda Bale, hadana Buurahaan waxaa horey ugu sugnaa Jabhada Hubeysan ee OLF, waxaana Jabhadaan Hogaanka u haya Horjoogayaal “ Cilmaani” ah, iyadoo ilaa xiligaan Sirdoonada ay ku mashquulsan yihiin waxa xiligaan isku soo dhaweeyay Kooxahaan kala afkaarta ah.

Sikastaba, waxaa shaki ku jirin in dagaalada iyo xeeladaha Farsamo ee xigilaan la abaabulay ay muujinayaan in hamiga Istraateejiyadeed ee kooxda uu kor u kacay ee awoodaha isku balaarinta Dalalka deriska iyo siyaasadaha juqoraafi ahaan ee Gobolka, gaar ahaan Ethiopia oo Xiligaan la daala dhaceyso iska caabinta iyo Xakameynta tiro dhowr Jabhadod oo Kacdoon ka wada dhowr Gobol oo Ethiopia ka tirsan.

204430cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Iney Kooxda Shababka Ka Talaabaan Xadka Somalia & Ethiopia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com