Dowladda Kenya Oo Ugu Hanjabtay Iney Dalkeeda ka Mamnuuceyso Shirkadda Facebook

Africa News

Warar hordhaca ah ayaa tilmaamaya in Hay’adda ilaalisa is-dhexgalka Wowmiyadaha Kenya ayaa u qabatay shirkadda maamusha Facebook ee Meta muddo 7-maalmood ah iney wax kaga qabato waxa ay ugu yeertay hadallada nacaybka iyo kicinta ee la xiriira doorashada bisha soo socota, haddii kale laga mamnuucayo dalkaasi..

Hey’adda ayaa sheegtay in Facebook-gu ku xad-gudbeen shuruucda Dalka. Waxay isu oggolaadeen iney noqdaan kuwa dhiiri geliyay hadallada nacaybka iyo kicinta, war-xumada iyo wal-walgelinta,” ayeey VOA-du ka soo xigatay Guddoomiyaha Hay’adda ilaalisa is-dhexgalka qowmiyadaha Kenya, Danvas Makori.

Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Global Witness ayaa warbixin ay soo saartay maalin ka hor ku sheegtay in Facebook ay aqbashay oo ay tallaabo ka qaadday in ka badan 12 xayaysiis siyaasadeed oo ka hor imaanaya shuruucda Kenya.

Dhinaca kale,  Afhayeen u hadlay Shirkadda Facebook ayaa sheegay “Shirkadda Meta ee Facebook waxa ay qaaday tallaabooyin ballaaran, si ay meesha uga saarto hadallada naceybka ah iyo waxyaabaha xanafta leh, waxayna sii xoojinaysaa dadaalladaas kahor doorashada.”

204400cookie-checkDowladda Kenya Oo Ugu Hanjabtay Iney Dalkeeda ka Mamnuuceyso Shirkadda Facebook