Ma Dhabaa In Hoteel Ku Yaal Nairobi Laga Iibiyay Shirkadda Hormuud & Qareenka Farmaajo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa iibka Hotelka Laico Regency ee magaalada Nairobi oo horey ay u laheyd Dowladii Mucamar Al-Qadaafi, kaasoo muddo 20-sano ah muran xoogan ka dhashay lahaansha iyo Iibinta Hoteelka ayna saameyn ku yeesheen Wasiiro ka tirsan Dowladda Kenya…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in si Qarsoodi ah looga iibiyay Dhismaha Hoteelka Shirkadda Hormuud, waxaana la sheegay in qiimaha lagu iibiyay 44-millions US$, waxaana dalaaliin ka ahaa Wasiir hore oo Kenyan ah (Kimunya) & Qareenka Farmaajo & Fahad ee Axmed Dheere, iyadoo laga qariyay Iibinta Dadweynaha.

Ilahaan ayaa sheegay in ilaa hadda aan la ogeyn qiimaha dhabta ah ee lagu iibiyay Hoteelka, waxaase la sheegay in Gudoomiyaha Shirkadda Hormuud Axmed Yuusuf iyo Qareen Axmed Dheere ay Shirko ku yihiin Hoteelka, su’aalo badan ayaa hareeyay Iibasashada Dhulal iyo dhismayaal ay Dalka Kenya ka iibsadeen Shirkadda Hormud.

Sidoo kale waxaa tuhun weyn laga qabaa in Iibasashadaan ay gadaal ka riixayaan Farmaajo iyo Fahad oo la sheegay iney ka faa’iideen 5-tii sano ee Talada Dalka si wadajir ah u Maamulayaan Dhaqaale kor u dhaafaya 200-Million US$, Dhaqaalaha ayeey u badan tahay in laga dhacay Deeqo Magaca Shacbiga Soomaaliyeed lagu soo qaaday.

236590cookie-checkMa Dhabaa In Hoteel Ku Yaal Nairobi Laga Iibiyay Shirkadda Hormuud & Qareenka Farmaajo