Dagaalo Xoogan oo Xalay Ka kala Dhacay Degaanka Bariire & Degmada Afgooye

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaalo khasaare kala duwan geystay oo u dhaxeeya Maleeshiyaadka Shabaabka iyo Ciidamada Dowladda kaasoo ku dhexmaray Degmada Afgooye iyo Degaanka Bariire oo ka wada tirsan gobolka Sh/hoose…

Dagaalka Bariire ka dhacay ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid xoogan, kadib markii Maleeshiyaad kooxda Shabaab ay Degaankaasi weerareen ilaa tiro sadax jeer ah xalay, kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, Hase yeeshee lama oga khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarada rogaal celiska ahaa ee xalay tirada sadaxda jeer ah Kooxdu ku qaadeen gudaha Degaanka Bariire.

Dhanka Kale, Waxaa Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Argagixisada ay xalay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka oo ku sugna Buundada yar ee Degmada Afgooye, waxaana la soo warinayaa iney jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac ku kala gaaray dagaalkaasi.

196670cookie-checkDagaalo Xoogan oo Xalay Ka kala Dhacay Degaanka Bariire & Degmada Afgooye