Maxaa Sabab u Cabsi gelinta, Caburinta & Xariga ay Maleeshiyaadka Somaliland ku Hayaan Shacbiga…

Somalia news

Warar wel wel xambaarsan ayaa laga soo sheegayaa degaanada Waqooyiga Somalia, iyadoo Xoogaga Amaanka Degaanadaasi ay bilaabeen ugaarsi ay ku hayaan Culumaa’udiinka, Waxgaradka Dhalinyarada iyo Haween ka dhiidhiyay Heshiiska uu ku bixiyay Muuse Biixi Xeebta Lughaya iyo Wado 90-Km ah oo oo xeebta ilaa Xuduuda ku teedsan…

Wararka dhiilada leh ayaa sheegaya in Wadaadka Sheekh Mustafa Cabdi Cumar oo ka soo jeeda Beelaha Garxajis ayaa xalay waxaa Hoyga uu ka degenaa ku weeraray Xoogag hubeysan ay Hormuud u yihiin Wiilka Muuse Biixi iyo Madaxa Sirdoonka Maamulka, iyadoo Rasaas badan ku argagax geliyeen Xaaska iyo caruurta Wadaadka inkastoo uusan Wadaadku xiligaasi ku sugneyn Gurigiisa, waxaana Magaalooyinka Burco, Sheekh, Boorame iyo Hargeysa xalay la dhigay jid-gooyooyin Dadka & Gaadiidka lagu baaraayo.

Ku darsoo Maleeshiyaad hubeysan iyo Gaadiid dagaal ayaa xalay ka baxay magaalada Hargeysa, iyagoo ku sii jeeda Magaalooyinka Lughaya, Seylav iyo Boorame ee Gobolka Awdal si sy u caburiyasn Shacbiga Degaanadaasi oo diiday Heshiiska Is-fahamka, waxaans ku wehliya Saraakiil Sirdoon oo ka tirsan Dalka Ethiopia.

Shalay ayeey aheyd markii Magaalada Burco laga soo qabtay Wadaadka Cabdimaalik Coldoon isla markaasna Tacadiyo iyo Jir-dil ay geystaan Maleeshiyaad ka tagay Magaalada Hargeysa, waxaana loo aaneynayaa Hadalo uu ku diidan yahay Heshiiska been abuurka ah oo uu dhawaan jeediyay, isagoo sheegay:-

299650cookie-checkMaxaa Sabab u Cabsi gelinta, Caburinta & Xariga ay Maleeshiyaadka Somaliland ku Hayaan Shacbiga…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com