Khilaaf soo ka dhex galay Deni iyo Juxa & Sababta ka Dambeysa..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa muran soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Wasiirka alArrimaha Gudaha maamulkaasi Cabdi Faarax Juxa, kaasoo salka ku haya kadib markii Mr.Dani damac ka galay inuu wax ka bedel ku sameeyo Dastuurka…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com ku sheegtay in Mr.Dani uu qorsheystay inuu wax ka bedel ku sameeyo Qoddobo ku jira Dastuurka, gaar ahaan kordhinta tirada xisbiyada rasmiga ah ee ka soo baxaya barnaamijka qof iyo cod, waxana ka soo horjeestay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wararka ayaa intaas kusii raacinaaya in khilaafka Deni iyo Juxa uu gaaray heer uu Madaxweynaha uu qaato go’aan ah inu xil ka qaadis ku sameeyo wasiir Juxa, taasoo uga jawaabayo diidmadiisa ku aadan qorshaha uu rabo inuu wax ka bedel ugu sameeyo Dastuurka maamulkaasi, waxaana loo badinayaa inuu Xilkiisa u magacaabo Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

Khilaafkaan ayaa soo shaac baxaaya xili uu sii xoogeysanayo damaca Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, kadib markii uu kulan xasaasi ah la yeeshay ururada siyaasada, Dastuurka ayaa ku qoran saddex urur siyaasadeed uu yeesho Xisbiyada Puntland, isna wuxuuna doonayaa inuu u bedelo 5-Xisbi, iyadoo Qorshaha Mr.Deni yahay inuu mudada kororsado.

Xalay ayaa Golaha xukuumadda Puntland ansixiyay soojeedin ku saabsan in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka Puntland si loo kordhiyo tirada xisbiyada Siyaasadda ee ku soo baxaya doorashooyinka qof iyo cod.

254550cookie-checkKhilaaf soo ka dhex galay Deni iyo Juxa & Sababta ka Dambeysa..