Madaxweynaha Puntland Oo u Dhiilo Dhaansaday Mucaaradnimo Muddada u Dhiman

Somalia news

Maclumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa olole Balaaran oo ku doonaayo Madaxweynaha Puntland inuu wakhtiga muddo xileedkiisu uga harsan inuu ku dhameysto Fowdo, Boob iyo inuu Qandaraasyada UAE ku naas nuujiyo Walaalkiis iyo Wiilkiisa….

Xogtaan ayaa sheegtay in Mr.Dani uu Wakiil ka yahay Walaalkiis Xasan Cabdullahi Dhismaha Balaarinta Dekada Boosaaso (eeg Liifaqa Saxiixa), waana wax laga yaxyaxo inuu Qandaraaska u xiro Walalkiis ku darsoo Mashruuca Balaarinta Garoonka Doyaaradaha waxaa loo xiray Ehelkisa, Halka Korontada iyo Mashruuca biyaha macaan ee Bosaso Reer Dani, Qaadka Kenya ee la geeyo Degaanada Puntland waxaa loo xiray Wiilkiisa.

Xaqiiqdii Fadeexadahaan iyo kuwo kale ayuu astaan ugu noqday Mr.Dani, wuxuuna haatan wadaa abaabulkii ugu dambeeyay yagleelida Gaashanbuur Mucaarad ah kana dhan ah Dowladda Federaalka, isagoo ku guda jira bilooyinkii ugu dambeeyay muddo xileedkiisa, wuxuuna qorsheeyay inuu qalalaase qorsheysan ka rido degaanada Puntland hadii uusan helin ugu yaraan muddo kordhin.

230450cookie-checkMadaxweynaha Puntland Oo u Dhiilo Dhaansaday Mucaaradnimo Muddada u Dhiman