Muran Hareeyay Qaabka loo Wajahaayo Dagaalka Kooxda Argagixisada Shababka

Somalia news

Inkastoo muddo ay dhalinyaro & Culumaa’idii iskood isku abaabulay Hubkana u qaatay sidii ay dagaanadoodu ugu xoreyn lahaayeen Kooxda Argagixisada Shababka oo dhibaatooyin ku haya, ayaa haddana waxaa soo shaac baxaaya aragtiyo diidan in Dadka Rayidka la hubeeyo…

Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa naqdiyay in la hubeeyo Dhaliyarada (Macawisleyda) hubka iskood u qaatay iney degaanadooda ( Galmudug & Hirshabelle) ka difaacaan kooxda Argagixisada Shababka, wuxuuna Dowladda Federaalka u soo jeediyay in Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwo Gobolka dagaalka ay galaan.

Godoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa sheegay iney ayaan darro tahay in xiligaan Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ay ka soo yeeraan hadalo aan munaasib aheyn, kana soo horjeeda in Dalka laga xoreeyo Kooxaha Argagixisada, isagoo ku eedeeyay Xildhibaanka inuu ka tirsan yahay kooxaha Argagixisada.

Mr.Jeyte ayaa Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ugu baaqay in si hoose ay u eegeen hadalka kasoo yeeray ee Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul, islamarkaana baaris sharciyadeed lagu sameeyo Xildhibaanka eedeynta u jeediyay ciidanka dib u xoreynta deegaanka ee loo yaqano macawiisleeyda.

212590cookie-checkMuran Hareeyay Qaabka loo Wajahaayo Dagaalka Kooxda Argagixisada Shababka