Ma Dhabaa in Isku shaandheyn lagu Sameyn doono Golaha Wasiirada & Saraakiisha Madaxtooyada

Somalia news

Hogaanka Villa Somalia ayaa 6-bilood ee uu Dalka maamulaayay Xasan Sheekh wuxuu meel uga dhacay Saami qeybsigii Beelaha Hawiye, isagoo sad buursi u sameeyay beelaha qaarkood, Eedahaan ayaa la sheegay inuu (Xasan) dusha saartay kadib talo xumo ka timid Wasiirka Cadaalada iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada…

Wararka ayaa sheegay in Boobka Xilalka Dowlada ay sabab u noqdeen inuu hakad ku yimaado Howlgalkii dib u xoreynta Degaanada Galmudug, Gobolada Hiiraan Iyo Shabeelada dhexe, waxaana laga yabaa in dhawaan la sameyn doono isku shaandheyn Golaha Wasiirada ah iyo Mas’uuliyiinta Madaxtooyada.

Xogtaan ayaa sheegtay in Faarax Sheekh C/qaadir (Sakiin) ayaa la ogaaday inuu dib uhelay awoodiisii ka ag dhawaanshiyaha Madaxweynaha kadib tali xumadii Abshir Bukhaari oo xaalado caafimaad u tegay UK dhawaan iyadoo mulkiilaha Dawladda uu dib u hantay saameyntiisii.

Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi (Xisbiga Daljir) ayaa laga yaabo in laga wareejiyo xilka wasaaradda uu ku magacaaban yahay iyadoo xil kale la qorsheenayo in loo magacaabo, sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada Abshir Cumar Haruse ayaa isna saameyn ku yeelan doontaa isku shaandheynta la sameyn doono, Wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa isaguna laga yaabaa inuu waayo xilkiisa.

Saraakiil Xilalka ka haya Xafiisyada Madaxtooyada ayaa saameyn doonta isbedelkaan, waxaana laga yabaa in isku shaandheynta ay shaqadooda waayi karaan xubno badan oo qeybtood laga wareejin doonaa xilalka ay hayaan ee Agaasimayaasha iyo Xogheynta intuba.

227030cookie-checkMa Dhabaa in Isku shaandheyn lagu Sameyn doono Golaha Wasiirada & Saraakiisha Madaxtooyada