Madaxtooyada Oo Shaacisay Heshiiska Dhaqaale-Amni oo ay wada Gaareen Amni Ee 2-da Madaxweyne

Somalia news

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay heshiiska ay wada gaareen Madaxweynayaasha Somalia & UEA, kadib wada hadal ay ku yeesheen Caasimada Abu Dhabi, Heshiiskaan oo ay ka mid aheyd Dhaqaale loogu deeqay Abaaraha Dalka wax looga qabto..

Wararka ayaa sheegay in Dowlada Imaaraadka ay Abaaraha ugu deeqday 20-millions US$, waxaana si toos ah loo marsiin doonaa Bangiga dhexe ee Somalia, iyadoo dhowaan ay Dalka soo gaari wafdi ka socda UAE si loo fuliyo Heshiiskaan, waxaana loo xil saaray guddi labada dhinac ah.

Qodobada Lagu Heshiiyay:-

-UEA Waxey xayiraada ka qaadeysa dal ku galada (Visa) Baasaborada Muwaadiniinta & Ganacsatada Somaliyeed.

-Iskaashi Amni oo ay 2-Dal wada Dhisanayaan

-Dib u bilaabida Duulimaadyada Shiradaha Diyaaradaha 2-dal gaar ahaan Fly, Emaratis iyo Al-ittixaad.

-Dib u nooleynta taageerida Adeegyada Bulshada sida Isbitaalkii Sheekh Zayid oo la xiray 2018-kii.

196790cookie-checkMadaxtooyada Oo Shaacisay Heshiiska Dhaqaale-Amni oo ay wada Gaareen Amni Ee 2-da Madaxweyne
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com