NISA Oo Dhaqaalihii Lagu Naasnuujin jiray Qaaqyayaashii CBB-dii Farmaajo & Fahad

Somalia news

Hogaanka cusub ee NISA oo ku guda jira dib u dhiska Hey’adda Sirdoonka ayaa Dhaqaalihii lagu naas-nuujin jiray ka joojiyay Kooxo aan u shaqayn Hay’adda, kuwaasoo intooda badan hadda degan dalka dibaddiisa, talaabadaan ayaa la jaanqaadeysa Siyaasada cusub ee Madaxtooyada..

Kooxahaan Dhaqaalaha laga jaray ayaa u badan Shaqsiyaad ka soo muuqan jiray baraha bulshada kuwaasoo Eedeysane Fahad Yaasiin u qoray iney isaga iyo guud ahaan Kooxda Farmaajo ku difaacaan bogaggooda gaar ah ee Internet-ka, isla markaasna aflagaadeeyaan Siyaasiyiinta, Waxgaradka & Hogaamiyayaasha Bulshada.

Shaqsiyaadka la naas-nuujin jiray waxaa ugu horeeyay Eedeysane Cabdi Xersi oo tiro Dembiyo Kufsi Haween loogu heysto inuu ka galay Dalka Mareykanka, kaasoo baxsad ahaan u degan Dalka Canada, sheegtana inuu ka tirsan yahay Urur-diimeedka Al-Ictisaam, waxaa kaloo ka mid ah.

Shaqsiyaadkaan Cabdirisaaq Teera iyo Gabar magaceeda lagu sheegay Niciimo Qorane oo labadaba laga soo tarxiilay degaannada maamulka Soomaaliland, xubanhaan ayaa laga baabiyay Isticmaalka Basaaborada Shaqada iyo Diblomaasiga ay ku istimcaali jireen Safarada Dibada iyo kuwo kale.

204270cookie-checkNISA Oo Dhaqaalihii Lagu Naasnuujin jiray Qaaqyayaashii CBB-dii Farmaajo & Fahad
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

5 thoughts on “NISA Oo Dhaqaalihii Lagu Naasnuujin jiray Qaaqyayaashii CBB-dii Farmaajo & Fahad

  1. Ma Aniga ayaan la yaabin qeyladooda ileyn Waa koox tubo dhaqaale iska dhuuqaayay Si ay Dadka u caayaan,

  2. Ma Aniga ayaan la yaabin qeyladooda ileyn Waa koox tubo dhaqaale iska dhuuqaayay Si ay Dadka u caayaan,

  3. Waa lagu sugay tuugta aflagaadada dhaqaalaha ku qaadanaayay oo aan Qaranka u shaqeyneynin, iska qaadanayay Canshurta Shacbiga Mogadishu

  4. Kkk runtii waa talaabo horey loo qaaday in laga joojiyo Qaaqlayaasha af-xumada ku hayay Shacbiga iyo Haldoorka, waxey ku habooneyd in la maxkamadeeyo iyagoo maqan

  5. Maxaa laga rabaa Muwaadiniintaan Kuwii u qoray Dhaqaalaha Dembiba looma raacanine mise Miskiin af-xun ayaa laga adag yahay

Comments are closed.