Dhab ka Hadal:-Maxaa dib u soo Nooleeyay Khilaafka Deni & Xasan Sheekh

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya inuu dib u noqday khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Xasan Sheekh Iyo Saciid Dani, kadib markii lagu heshiin waayay Saami qeybsiga Mashruuca Dhismaha balaarinta Dekeda iyo Garoonka Diyaradaha magaalada Boosaaso, oo lagu waday inuu Xasan Sheekh Dhagax dhigo…

Wararka ayaa sheegay in Baaqashada Xasan Sheekh ee Boosaaso oo xitaa Wafdi hordhac ah gaareen ayaa sababtay in Saciid Dani uu joojiyo Kormeer shaqo oo Wasiirka Isbedelka Cimilada Mrs.Khadiija Al-Makhsuumi ayaa ku tagi laheyd magaalooyinka Garoowe, Garacad iyo tuulada Godob-jiraan halkaasoo bacaad badan uu ku habsadey.

Wuxuu kaloo amar dul dhigay Wasiiradiisa ineysan Caasimada (Mogadishu) tegi karin wada shaqeyn la yeelan karinfasax la’aan, isagoo kulanka ka hor Xoggeyntiisa iyo Ilaaladiisa ku amray in Mobile-da laga uruuriyo Wasiirada, go’aanka is-hor-taagga Madaxwaynuhu qaatay ayaa waxey u muuqataa inuu dib u soo nooleeyay hab-dhaqankiisa la dagaalanka xukuumadda Federaalka ee uu soo waday shantii sano lasoo dhaafay,” ayay tibaaxeen illo wareedyada.

Shacabka degaanka bacaadka ku habsadey ayaa si weyn ugu baahan kaalmo dowladeed. Baaqashadda socdaalka wasiiradda ayaa la aaminsan yahay in uu meesha ka saarayo fursad wax looga qaban karay xaalada bini’aadanimo ee haysata.

228990cookie-checkDhab ka Hadal:-Maxaa dib u soo Nooleeyay Khilaafka Deni & Xasan Sheekh
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com