Dib u Dhac ku Yimid Kulankii Baarlamaanka Ee Codka Kalsoonida u Qaadi lahaa Wasiirka 1-aad

Uncategorized

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Horjoogayaasha xisbiga UPD (Damu jadiid) khilaafkaan ayaa ku saleysan wasaarad dheeraad ah oo Beesha Daarood la siinayo Dowladda Cusub, iyadoo Xubnahaani la soo xulaayo ay ka mid yihiin Kaadiriinta Urur diimeedka Madaxweynaha…

Wasiirka 1-aad Dowladda aan la marin Baarlamaanka Mr.Xamse Cabdi ayaa ku mashquulsan sidii soo dhisida Gole Wasiiro oo cusub iyadoo Siyaasiyiin badan ay xusul duub ugu jiraan xilalka Wasiirada (A) ah, waxaana lagu wadaa in Beesha Daarood la siiyo 6-xubnood Wasiiro ah, Golaha cusub ayaa waxaa lagu wadaa iney ka mid noqdaan:-

-Maxamed Sheekh Axmed Doodishe Mareexaan (Cali Dheere), Wasiirka Arrimaha Dibeda & Iskaashiga Caalamiga ah. (Madaxa Ideologia Xisbiga).

-Abshir Bukhaari Beesha HG Saleymaan Wasiirka Arrimaha Gudaha

-Axmed Macallin Fiqi HG Sacad Wasiirka Howlaha Guud

-Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Murusade Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Dhanka kale, Kulankii maanta la filaayay in Baarlamaanka uu codka kalsoonida weydisto Wasiirka 1-aad ayaa baaqday, waxaana lagu sababeeyay iyadoo Madaxweynaha maalintii 3-aad uu booqasho ku joogo Dalka Imaaraadka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka safar ku jooga magaalada Nairobi.

196560cookie-checkDib u Dhac ku Yimid Kulankii Baarlamaanka Ee Codka Kalsoonida u Qaadi lahaa Wasiirka 1-aad