Tahriibayaal Dooni Saarnaa Oo Lagu la’yahay Badda u dhaxeysa Griiga & Turkiga

Somalia news World

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa howlgal ay Maraakiibta dagaalka ee Dalka Griiga ku baadi goobayaan ugu yaraan lix Muhaajiriin ah oo lagu la’yahay xeebaha dalkaasi, iyadoo shil kan la mid ayaa Ciidamada Xeebaha ku hayaan Baaris…

Wararka ayaa sheegay in Boliiska magaalada Leros ee Dalka Griiga ayaa helay 49 Tahriibayaal Africa ka soo jeeda, kuwaasoo saarnaa Doon macmal ah Badda dhexdeeda, Dadkaan ayaa u badnaa Dalalka Somalia, Sierra leone iyo Uganda, waxaana badda ku dhacay 6-Tahriibayaal ah.

Maraakiibta Ilaalada xeebaha Griiga, ayaa wada howlgal ay ku raadinayaan Tahriibayaasha oo laga cabsi qabo iney Badda weli ku jiraan, iyadoo Dadka la badbaadiyay la geeyay magaalada Kalamata, Safaradaan halista ah ee Tahriibayaasha ayaa ka sio talaaba Badda Aegean ee xeebta galbeedka Turkiga waxey yinaadaan Bariga Dalka Griiga.

215290cookie-checkTahriibayaal Dooni Saarnaa Oo Lagu la’yahay Badda u dhaxeysa Griiga & Turkiga