Digniino Amaan Oo Laga Soo Saaray Kooxaha Isku baheystay Daadinta Dhiiga Shacbiga

Somalia news

Iyadoo 5-tii sano ugu dambeysay ay Horjoogayaasha Kooxda Shababka qaarkood ay noqdeen aalado ay adeegsadaan Farmaajo Fahad sida Dilalka qorsheysan, afduubka iyo caburinta Shacbiga Soomaaliyeed, si meesha looga saaro khataha ay wajihi karaan dhinacadaan..

Wararka soo yeeraaya ayaa muujinaaya inuu jiri karo cabsi xoogan oo ku dhiiri gelin karta Kaligii-taliyaha inuu la kaashado kooxda argagixisada iney qaadaan talaaboiyin wax u dhimi kara Xasiloonida & Amaanka kadib markii uu todobaadkaan lumiyay fursadihii dib u doorashadiisa.

Khubarada u xeel dheer Amaanka gudaha ayaa ka digay iney xiligaan kala guurka ah ay dhici karto weeraro iyo qaraxyo ay wada fuliyaan kooxahaan, iyagoo bartilmaameedsi Hogaanka Mucaaradka, Xildhibaanada iyo Ehelkooda, waxaana loo baahan yahay in la muujiyo feejinaan dheeraad ah si looga hortago khataraha ay kooxdani maleegayaan.

185840cookie-checkDigniino Amaan Oo Laga Soo Saaray Kooxaha Isku baheystay Daadinta Dhiiga Shacbiga