Qodob Cusub Oo talo lagu Soo jeediyay in lagu Kordhiyo Cunaqabateynta Hubka ee Somalia

Somalia news

Iyadoo dhawaan lagu wado in Golaha Amaanka ee UN-ka ay dood ka yeeshaan Arrimaha Cunaqabateynta Hubka ee Somalia , Gudigga la socodka Cunaqabateynka ayaa la sheegay inuu Golaha hordhogay qodob cusub oo ay codsadeen in lagu kordhiyo liiskii ay horey u soo saareen Golaha Amaanka ee (Security Council)…

Wararka ayaa sheegay in Guddigaan uu dib u eegis ku sameeyay qodobada keeni kara in Cunaqabateynta la saaro Qof Soomaali ah, Koox ama Shirkad kuwaasoo lagu cadeeyo iney taageero maaliyadeed iyo fududeynba u fuliyaan kooxaha argagixisada ama ka qeyb qaata go’doomin degaan ama magaalo Somalia ku taal.

Talaabadaan ayaa lagu saleeyay tiro magaalooyin ah oo muddo dheer oo sanado ah go’doon ay geliyeen Kooxda Shababka, iyadoo xiligaan ay Dalku ka jiraan Abaaro ba’an ayna adag tahay innla gaarsiiyo gargaarkii loogu tala galay, isla markaasna ay sare u kacaan qiimaha Raashinka ayna horseedo in Dadka taagta daran ay iibsan kari waayaan Raashinka.

Magaalooyinka Diinsoor (Gobolka Bay) iyo Xuddur (Gobolka Bakool), muddo sanado ah kooxda argagixisada Shababka waxey gubaan Gaadiidka iyo Dameeraha Raashinka u wada Degmooyinka kor ku xusan, iyadoo sida kaliyah ee wax lagu gaarsiin karo ay tahay in Diyaarado lagu daabulo, taasoo sicirka barar ka dhasha.

223750cookie-checkQodob Cusub Oo talo lagu Soo jeediyay in lagu Kordhiyo Cunaqabateynta Hubka ee Somalia