Guddiga Somalia u qaabilsan adeegga Xajka oo kordhiyay dhaqaalaha lagusoo xajinayo Sanadkaan 

Somalia news

Guddiga adeegga Xajka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saaray Jaangooyada sicirka Adeega Xajka sanadkan 1443/2022, sida lagu sheegay war-saxaafaddeed ay soo saareen, iyadoo Sannadkii 2019, Dawladda ayaa qiimaha lagu tago Xajka u jaan goysay inuu noqdo $3,300 kadib markii ay cabasho katimid xujayda oo sheegay in laga qaado lacago xad dhaaf ah…

Guddiga ayaa ku jaangooyay qiimaha Xajka qarash dhan $5,230,00, kadib markii uu qiimayn ku sameeyay daruufaha iyo isbeddelada ku yimid adeegyada Xajka ee dalka Sacuudiga.

Shacbiga Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujinaya qaab dhaqanka iyo lacagaha xad dhaafka ah ee ay qaadaan sharikadaha Xajka ka shaqeeya, xilli in badan oo bulshada kamid ah ay isu diyaarinayaan in ay gutaan waajibaadka Xajka ee sanadkan, Labadii sano ee ugu dambeysay Sacuudigu Xajka uma ogolayn xujeyda caalamka ka imaanaya sababa la xiriira faafitaanka cudurka Coronavirus.

193390cookie-checkGuddiga Somalia u qaabilsan adeegga Xajka oo kordhiyay dhaqaalaha lagusoo xajinayo Sanadkaan 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com