Caro Xoogan Oo Ka Dhalatay Hadal qadaf ah Oo Wasiir Kenyan ku yiri Gabar Wariye ah..

Africa News

Hoggaamiyayaasha Muslimiinta Kenya ayaa ku baaqay in xilka laga qaado Wasiirka Arrimaha Waxbarashada ee Kenya, Mr.George Magoha, oo lagu eedeeyay inuu hadal qadaf ah uu ku yiri gabadh Muslim ah oo u shaqeysa Telefishinka NTV ee Kenya laga leeyahay..

Muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay Wasiirka oo weydiinaya gabadha weriyaha ah qofka ay tahay ka hor inta aanu ka jawaabin su’aal ay weydiisay, “Marka hore halkeed ka timid? Yaad mataleysaa? Maxaa yeelay haddii aad Al Shabaab ka socoto, kama jawaabi doona su’aashaada,” ayuu yidhi wasiir Mogoha.

Wuxuu ku sugnaa iskuul lagu magacaabo Pumwani Boys oo ku yaalla meel u dhaw xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, Guddoomiyaha Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya Xasan Ole Naado ayaa cambaareeyay hadalka wasiirka oo uu ku tilmaamay mid “nasiib-darro ah.”

Rehema Zaid, ayaa yidhi, “Waa arrin murago leh, Malaha Wasiirku kama warqabo dadaallada socdo ee lagaga hortagaya xagjirnimada iyo takoorka, Qiyamkaasi waxaa ka mid ah inaan qof lagu takoorin diintiisa ama qabiilkiisa”, Francis Onyikwa, ayaa yidhi,  “Waa khalad arrintan. Taasi beddelkeeda waxay ahayd inuu dhiirageliyo nabadda iyo xasiloonida.”

Sources:-https://www.the-star.co.ke/news/2022-07-26-magoha-under-fire-over-remarks-against-muslim-journalist/

203860cookie-checkCaro Xoogan Oo Ka Dhalatay Hadal qadaf ah Oo Wasiir Kenyan ku yiri Gabar Wariye ah..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com