Kulamada Iska soo Horjeeda Kuna Aadan Qabyo tirka Dastuurka Oo Garoowe & Mogdishu Ka Socda…

Somalia news

Sida ay Muuijayaan Macluumaad loo qaateen ah waxaa saacadihii ugu dambeeyay Xafiisyada Madaxtooyada iyo kan Wasiirka 1-aad ee Villa Somalia ka socday dhaqdhaqaaqyo lagu taageeraayo meel marinta 4-Cutub ee Dastuurka kaasoo todobaadka soo socda lagu wado in la ansixiyo…

Xafiisyadaan ayaa magacaabay Guddiyo Xildhibaano iyo Senatoro si joogto ah u tashkiiliya si uu u meel maro Barnaamijka ansixinta Dastuurka, ku darasoo Wasiirada Xildhibaanada ah ayaa olole xoogan ka dhex wada Golaha Baarlamaanka si cod ku filan loogu helo Ansixinta.

Geesta kale, Qeybaha Mucaaradka ayaa dhankooda ka wada olole aan xoog badneyn kuna doonayaan iney ku hor istaagaan meel marinta Dastuurka, waxaana hormuud u ah Madaxweynayaal hore iyo Maamulka Puntland, inkastoo lagu eedeeyay qeybahaan qoraalkii ay soo saareen ee ahaa 71-Xildhibaano iyo Senatoro ay diyaarsadeen balse tiradaasi qeylo ka daba timid oo lagu eedeeyay iney been abuurteen.

Farmaajo & Soo Dhoweynta Garoowe

Khabiiro Siyaasadeed ayaa isbaheysiga xiligaan ee Farmaajo iyo Deni ku tilmaamay “Nasiib darro iyo Talo khalad oo siyaasadeed” in mashraxad iyo soo dhoweyn loogu sameeyo Garoowe, iyadoo la is weydiiyay maxaa laga magansanayaa oo xiligaan ku soo kordhin karaa dagaal siyaasadeedka taagan.

-Marka hore Aftahan ma ahan (Maraanka) oo Loolanka socdaa awood uu leeyahay oo uu wax kula daaran karo mana jiraan Taageerayaalna cusub oo uu ku soo jiidan karo marka laga reebo Kooxda Nabar iyo Naxli.

-Waa shaqsi Mucsir siyaasadeed mar loo ilduufay Shacabkuna barteen in kuwii Adeegsan jiray macno u yeelidiisa haatan qol xiran oo ay ku go’doonsan yihiin ka soo dhex tuuraya fariimo is burinaaya.

-Waxaa moodaa in Deni uu yahay Damiin siyaasadeed oo aan ka qaan gaarin uusana weli ka aflixin sida la iskugu shandheeyo turubka uu xiligaan heysto.

-Isbaheysiga Farmaajo & Sheekh Shariif lagu kabay Deni ee 2024-ka, wax weyn oo macno ah oo ay ku soo kordhin karaan Hardanka siyaasada lagu dejiyo Magaalada Mogadishu ma jiraan aan ka aheyn iney Daawadayaal noqdaan.

316320cookie-checkKulamada Iska soo Horjeeda Kuna Aadan Qabyo tirka Dastuurka Oo Garoowe & Mogdishu Ka Socda…