Xiisado Colaadeed Oo u Dhaxeysa Xoogag Hubeysan Oo Kala Taageersan Somaliland & Puntland Oo Ka taagsn Boocame

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xiisad colaadeed oo u dhexaysa Xoogaga hubeysan ee Maamulada Gobolada Puntland iyo Somaliland ayaa ka taagan nawaaxiga degmada Boocame ee Gobolka Sool, waxaana la sheegay in Dadka Degaanka ay cabsi xoogan soo food saartay…

Wararka ayaa sheegay in Cutubyo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ku hubaysan Gaadiidka dagaalka oo gurmad ah ayaa xalay gaaray duleedka degmada Boocame halkaasoo lagu waday in ay maanta  yimaadaan mas’uuliyiin ka socda Somaliland.

Dhinaca kale Xoogaga ka tirsan Somaliland oo ka yimid dhinaca Laascaanood ay ku sugan yihiin meel u muuqata Xoogaga hubeysan Puntland waxaana laga cabsi qabaa in ay isku dhacaan labada ciidan, Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa raba in ay dhinaca Konfurta ka wareegaan kadibna ay tuulada Karin-garfood isku soo sawiraan haddii laga hor istaago magaalada Boocame.

205620cookie-checkXiisado Colaadeed Oo u Dhaxeysa Xoogag Hubeysan Oo Kala Taageersan Somaliland & Puntland Oo Ka taagsn Boocame
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com