Dowladda Mareykanka Oo Taliye Cusub u Magacaawday Taliska AFRICOM

Africa News

Maamulka Washington ayaa dhawaan waxaa uu u soo magacaabay Taliyaha Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) Lt.Gen. Michael E. Langley, kaasoo khamiistii shalay aheyd hortagay Guddiga Ciidamada Qalabka-sida ee Aqalka Sare ee Maraykanka ayaa sheegay in Kooxda Shabaabka ay sare u qaaday hawlgaladooda…

Wararka ayaa sheegay in Sarkaalkaan oo loo dalacsiyay Generaal (4-Xiddigood) iyo Taliyaha Taliska AFRICOM, oo fadhigiisu yahay Dalka Germany, ayaa wuxuu noqonayaa Taliyihii ugu horeeyay ee Afrikaan-Maraykan ah oo hoggaamiya taliska Afrika, isagoo beddelaya Gen. Stephen J. Townsend.

Wuxuuna Mr.Langley ka codsaday Dowladda Mareykanka in Taliskiisa loo kordhiyo tirada Diyaaradaha iyo Drones-ka ee dhanka cirka si ay sare ugu qaadaan la dagaalanka kooxda Argagixisada Shabaabka oo uu sheegay inay wadaan qorshayaal ka baxsan Somalia iyo Kenya oo ay amniga ku khal khal gelinayaan, Wuxuuna ku tilmaamay kooxdaani midda ugu khatarta badan kooxaha argagaxisada ee ka jira Afrika.

Langley waxa kale oo uu sheegay in kooxaha argagixisada ah ee ISIS, al-Qaida, iyo JNIM ay ku sii fidayaan gobalka (Sahel), harada Lake Chad Basin, iyo galbeedka Afrika, wuxuuna sheegay in dabka ay wax kasii hurinayaan calooshood u shaqeystayaasha kasoo jeeda dalka Ruushka.

202910cookie-checkDowladda Mareykanka Oo Taliye Cusub u Magacaawday Taliska AFRICOM