Ma Dhabaa in Khilaaf soo kala dhex galay Deni & Juxa ee Maamulka Doorashada Puntland

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Khilaaf iyo kala aragti duwanaansho uu soo kala dhex galay Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Wasiirkiisa cusub ee arrimaha gudaha & maareynta doorashada degaanka, kaasoo muddi gaaban xilka haya..

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni, uu ku amray Mr.Juxa inuu joojiyo hadalada uu jeedinayo ee ku wajahan ka faaloodka arrimahan iyo kulamada, sidaas oo kalena uu ka gaabsado ka hadalka Mustaqbalka dhaw 2024-ka iyo Jihadeeda, taasoo filan-waa ku noqotay Wasiirka arrmaha gudaha ee dhawaan la magacaabay.

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Mr.Deni uu aad uga carooday hadaladii Wasiir Juxaa ee ahaa in aan Mudo kororsi la aqbali-karin, kaasoo uu ka jeediyey magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, Deni ayaa dhawaan usheegay xubnaha kala shaqeynayay Mashruuciisa in uu Baarlamaanka ka hor cadeyn doono, inuusan kororsi u soconin, balse wuu kaga baxay balankaasi, talabadaan oo kaliftay in xubnahaas ay ku baraarugaan damaca Kororsiga.

Dad badan ayaa welwel xoogan ka qaba in Muddo kordhin sharci darro ah oo Villa Somalia ay soo oggolaato aaney ka shaqeyn karin isla markaasna horseedi karta dagaal dhiig ku daata, waxaana sababta ugu weyn ay tahay Xilka Muddo heynta Madaxweynaha ayaa ah 5-sano, waxaana la isweydiinayaa ma wuxuu rabaa (Dani) inuu 7-sano ka dhigto.

222150cookie-checkMa Dhabaa in Khilaaf soo kala dhex galay Deni & Juxa ee Maamulka Doorashada Puntland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com