Maareeyihii DADSOM oo Xilka laga Xayubiyay

Somalia news

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa shaqadii looga joojiyay Maareeyihii Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (National Identification) Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey), oo horey Farmaajo u magacaabay…

Mukhtaar Qooraansay ayaa ka mid ahaa Saraakiisha NISA ee aadka u taageersanaa Adeege Fahad, waxaana laga soo wareejiyay Nabadsugida, isagoo ka mid ahaa Saraakisha sar sare, sanadkii 2020, waxaana loo magacaabay inuu Maareeye ka noqdo Hey’adda, xilligaasoo dowladdii hore mashruuca aqoonsiga Qaranka u arkeysay muhiimad gaar ah oo loogu diyaar garoobo dib ugu soo noqoshadooda xukunka dalka iyo qorshahoodii doorasho qof iyo cod.

Hey’adaan ayaa loo dhisay sidii ay u maareyn laheyd Dukumentiyada Aqoonsiga ee Biometriga ah, maxaa yeelay Saraakisha Dowladda Federaalka iyo Hey’adaha Amaanka ayaa dhibaatada xoogan waxey ka heysataa sidii Muwaadiniinta loogu sameyn lahaa Aqoonsi Elektroniga ah bacdamaa inta badan Shacabka aysan heysan Dukumenti rasmi ah (aqoonsi) iyo raadraac leh, gaar ahaan amniga, waxaana siii kordhaaya in kooxaha argagixisada oo ku eedeysan falal amni darro ay magacyada beddeshaan kadibna kuwo kale cusub si fudud ku qaataan.

217330cookie-checkMaareeyihii DADSOM oo Xilka laga Xayubiyay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com