Duulaanka, Dabargoynta Shababka & Walaalaha Safka Labada Dhinac ugu jira

Somalia news

Sheekada todobaadkaan ugu xiisaha badan ayaa ah in Laba Walaalo ah oo la kala safan Dowlada Federaalka iyo Kooxda Argagixisada Shababka, iyagoo dagaalka haatan soconaaya labada saf ee iska soo horjeeda ka soo muuqdeen, waxeyna arrintaan astaan u tahay in mugga dhibaatada kooxaha argagixisada sida ay u saameysay Qoysaska Soomaaliyeed…

Midi Waa Sareeye waana Afhayeenka Wasaarada Gaashandhigga (Gen.Cabdullaahi Cali Caanood) halka kan kale Sheekh Mustafa Cali Caanood uu yahay Wadaad aaminsan afjaarta Kooxaha xag jirka ah, wuxuuna caadeystay inuu faafiyo afkaarta kooxaha argagixisada, isagoo fariimihiisa la xusay iney yihiin kuwo loogu talo galay in lagu marin habaabiyo Indhow-garadka (Dhalinyarada).

Wadaadkaan ayaa degenaa degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Mogadishu lagana soo qabtay, halkaasoo uu Masaajid ka maamulaayay, wuxuuna ka bixin jiray inta aan la soo qaban Casharo Diini ah iyo faafinta iyo dhiiri gelinta afkaaraha qalafsan kuwaasoo inta badan kooxu ku baneysan jirtay Dhiiga Muslimiinta Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka ayaa horey u iclaamisay dagaal dhinacyo badan (Dhanka Mileteriga, Dhaqaalaha iyo Fikirka), oo ka dhan ah kooxda Argagixisada Shababka balse haatan u muuqda inuu gaabis ku yimid, iyadoo lagu sababeynaayo qorshe xumida, habacsanaan iyo maamul xumo ay hormuud ka tahay Villa Somalia, maxaa yeelay Dowladda aan awoodin iney dhaqan geliso go’aanada ay soo saartay.

225290cookie-checkDuulaanka, Dabargoynta Shababka & Walaalaha Safka Labada Dhinac ugu jira