Maxaa ka Dhab ah in Madaxweynaha Somalia Uu Xalay Madaxtooyada ku Qaabilay Mr. Roobow

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Wasiirada magacaaban ee xalay la sii wargeliyay ayaa saaka looga yeeray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay u fuliyaan Xaflada Dhaarts ugana mid noqdaan Munaasabadda ku dhawaaqidda Golaha Wasiirada Somalia…

Wararka ayaa sheegay in Golaha Wasiirada la magacaabayo ayaa ah 25 Wasiir, halka Xukuumaddii hore aheyd 26 Wasiir, waxaana ka mid noqon Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii Rooble, halka tiro kale oo Wasiiro ah aysan noqon doonin Xildhibaano.

Waxaa gebi ahaanba la baabi’iyay Wasaaraddii Gargaarka iyo Musiibooyinka, halka Wasaaradda Dastuurka oo horay gooni u taagneyd lagu daray Wasaaradda Cadaaladda. Waxaa Golaha lagu soo kordhiyay Wasaarad cusub oo ah Wasaaradda Bey’adda iyo Is bedelka Cimilada.

Dhanka kale, Madaxweynaha DFS ayaa xalay kulan albaabadu u xiran yihiin la qaatay Mukhtaar Roobow Cali, waxaana kulankaasi looga hadlay dhismaha Golaha Wasiirada cusub iyo siddii uu ula shaqeyn lahaa Dawladda uu hoggaamiyo Mudane Maxamuud.

205090cookie-checkMaxaa ka Dhab ah in Madaxweynaha Somalia Uu Xalay Madaxtooyada ku Qaabilay Mr. Roobow

4 thoughts on “Maxaa ka Dhab ah in Madaxweynaha Somalia Uu Xalay Madaxtooyada ku Qaabilay Mr. Roobow

  1. “lafo Gari iyagaa la isku jabiyaa”,
    Rooboow waxaa Wasiir loogu dalacsiiyay in Raxanwayn la isku laayo kadibna maamul loo dhiso.
    Breaking Civil War II is in the makin in Bay & Bakol

  2. Somalida waxaa lagu tilmaamo “Volunteer victims” Naftooda dhibeeya, Dad walba waxay aad u raadiyaan waa helaan. Dadaalaa waa gaaraa soo maahayn. Waxaan aad ugu dadaalaan qabyaalada iyo beenta.

  3. Iskaashatadii Farmaajo (Fahad & Ethiopia), Rooblow waxaa daraadiis ay u dileen maati ka badan 25 qof oo ay ku jiraan Caruur kuwaasoo ahaa taageerayaashiisa.
    Haddii hadda laga dhigo soo hanuuniye dadkuu qaldey, waan soo dhaweyneynaa haddaan nahay shacabka kala hoostago Dowladaha Xortaa ee GEESKA Africa.

  4. From Xabsi guri to Wasiirka Cadaalada Somalia ayaa laga helayaa Nin 3,5 xabsi guri ku jiray ayaa Wasiirka Cadaalada loo xushay Yaab!,

Comments are closed.