Maxaa ka Dhab ah in Villa Somalia ay Raali ka tahay Muddo Kororsiga Axmed Madoobe

Somalia news

Bishii August-2019-kii ayaa Axmed Madoobe dib lagu doortay doorasho uu garwadeen ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha xiligaan Xamse Cabdi Barre, sidaa soo kalena Caleema-saarkiisa oo ay diidanayd Maamulkii hore, waxaa ka qeybgalay Madashii Mucaaradka oo uu hogaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh oo doorashadaasina ku sifeeyey mid sharci ah…

Muddo xileedka Axmed Madoobe wuxuu ka dhamaanayaa August 2024-ka, waxaa ayaan darro ah in si Fududeyd iyo deg deg ka muuqdo loo fuliyay Qorshahaan muddo kordhinta halka sano, waxaan maqli jiray ”Nin dooran doorta, maxaa loo yiri Shacbigana loo ajaray”.

Khubarada Arrimaha gudaha ku xeel dheer oo ka hadlay muddo kordhintaan ku tilmaamay ayaan darro in Shaqsi muddo sanado ah xoog ku heysta isla markaasna beeshiisa u soo raray magaalada Kismaayo, una heysta iney Magaalada ku furtay dhiiga Tolkiisa, iskuna heysta inuu yahay Ayatulaagia Jubbaland.

Waxaase ka diiran in Villa Somalia oo ka aamustay ka hadalka muddo kordhinta Axmed Madoobe, oo ilaa Sanadkii 2013-kii soo ahaa Madaxweyne Jubbland isagoo gacan ka helaaya Ciidamada Kenya qeybta ATMIS ee jubooyinka, loona qaatay iney raali ka tahay Muddo kororsiga sharci darrada ah.

208990cookie-checkMaxaa ka Dhab ah in Villa Somalia ay Raali ka tahay Muddo Kororsiga Axmed Madoobe