Maxaa Ka Dhaxeeya Qeylo dhaanta Saraakiisha Xisbiga Daljir & burburinta Ceelasha ee Shababka

Somalia news

Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay iney sii hurinayaa dagaalka ku dhisan burburinta Ilaha Nolosha Shacbiga ee kooxda argagixisada Shababka, kadib markii La-taliyaha Madaxweynaha ee xagga Amniga & Wasiirka Arrmaha Gudaha ay shaaciyeen Warar kicin u muuqda…

Khubarada ku xeel dheer arrimaha Siyaasada gudaha & argagixisada ayaa ka digay in dhawaaqyada deel-qaafka ee Labadaasi Sarkaal ay khatar geliyeen Nolosha Dadka Rayidka kadib markii ay kooxda Shababka burburiyeen Ceelal-biyood, Baraago iyo Tawaarada Isgaarsiinta in ka badan Todobo Degaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay Ciidamada Dowladda ay burburiyeen Maxkamado Kooxda Shabaab ku lahaayeen duleedyada Muqdisho, wuxuu kaloo intaasi raaciyay in ciyaal weerado ay ka hoos dhasheen kooxaha loogu yeero argagixisada sida uu hadalka u dhigay, isagoo waalidiinta dhalay caruurtaas ugu baaqay iney gacanta qabtaan inta aysan gacanta ku dhigin heyadaha amaanka.

Halka La-taliyaha amiga Madaxweynaha, Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in 46 howgal oo dhan ah kooxda Shabaab ay dowladdu qaaday 100-kii maalmood ee la soo dhaafay, isagoo intaasi raaciyay in howlgalladaas ay ka dheceen degaano ka tirsan Maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaasoo sida uu xusay ay iska kaashadeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo Shacabka.

Hadaba, maxaa isku soo beegay Wararka Deelqaafka ah ee been abuurka ku dhisan ee Labada Mas’uul oo ka tirsan Xisbiga Daljir & Burburinta Ceelasha & Baaragaha ee kooxda Argagixisada Shababka.

211440cookie-checkMaxaa Ka Dhaxeeya Qeylo dhaanta Saraakiisha Xisbiga Daljir & burburinta Ceelasha ee Shababka