Mr.Deni Oo Digniino Dano Shaqsi Xambaarsan ka soo saaray Sharci Kaluumeysi

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa digniino dano shaqsi xambaarsan uu Madaxweynaha Maamulka Puntland ka soo saaray nuqul sharci oo la xiriira Kaluumeysiga Somalia kaasoo xiligaan horyaala Baarlamaanka Federaalka, wuxuuna ka digay (Mr.Dani), inuu halis ku yahay degenaashaha Siyaasadeed, hanaanka Federaaleynta iyo Amniga Qaranka…

Qeylo dhaantaan Mr.Deni ayaa ku soo hagaagtay xilli xasilooni darro siyaasadeed oo xoogan ay ka taagan tahay degaanada Puntland kuna aadan diiwaangelinta doorashada degaanka, isagoo ku jira 10-kii bilood ee u dambeeyay muddo xileedkiisa, wuxuuna hakiyay wada shaqeyntii uu la lahaa Dowladda Federaalka.

Siyaasiyiinta Degaanka ayaa Madaxweyne Dani ku eedeeyay inuu bixiyay ruqsado Kaluumeysi maraakiib kor u dhaafeysa 65 kuwaasoo Wasaarada Kaluumeysiga Dowladda Federaalka ay ganafka ku dhufatay digniino u dirtay Dalalka laga leeyahay.

Wararka ayaa sheegay in Ruqsadaha Kaluumeysiga ay ku jiraan darafyada Hogaamiyayaasha Xisbiyada qaarkood iyo Gadisley horey ugu jiray Jiraafka oo haatan Dani iyo Qoyskiisa dano dhaqaale ku leeyihiin, wuxuu sidoo kale ku iibsanayaa muddo kororsi iyo inuu helo taageero siyaasadeed ee barnaamijkiisa dimuqaradiyenta dhinaca ka raran.

245270cookie-checkMr.Deni Oo Digniino Dano Shaqsi Xambaarsan ka soo saaray Sharci Kaluumeysi
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com