Qatar & Koox-Diimeedka Ictisaam Oo Saameyn & Dib u Heshiisiin Ka Dhex Wada Farmaajo & Kheyre

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah, ayaa tilmaamaya in maalmihii ugu dambeeyay ay jireen wada hadallada qarsoon ay garwadeen ka ahaayeen xubno ka tirsan Koox diimeedka Al-ictisaam oo garab socota Amiiro ka tirsan Dowladda Qatar, waxayna labadaan daraf soo jeediyeen in diiradda la saaro xoojinta wada shaqaynta ololaha labada Musharrax, [Farmaajo iyo Kheyre] lana dajiyo qorshe cad…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Mr.Kheyre uu ugu yaraan saddex kulan iyo is-maqallo kala duwan oo dhanka taleefanka ah la qaatay Farmaajo iyo Wakiillo ka socday eedeysane Fahad Yaasiin, wada hadalladaan qarsoon ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Sheekh Bashiir Salaad oo ka tirsan Koox diimeedka Al-ictisaam oo garabna ka helaayay Saraakiil ka tirsan Safaarada iyo Sirdoonka Qatar, waxayna labadaas daraf soo jeediyeen in diiradda la saaro xoojinta wada shaqaynta ololaha labada Musharrax, [Farmaajo iyo Kheyre] lana dajiyo qorshe lagama laabtaan ah.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Qatar iyo Al-Ictisaam, ay cadaadis saarayaan qaar ka mid ah musharrixiinta aan saameynta buuran lahayn, si ay xulafo ula noqdaan Kheyre, waxaana dhowr musharrax loo soo jeediyay in ay ku biiraan ololaha Ra’iisul Wasaarihii hore, hayeeshee, ilaa hadda ma jiro musharrax si cad u aqbalay soo jeedintaasi.

Farmaajo iyo Kheyre, waxa ay 3,5 sano ahaayeen isku saf, ku fadhiya labada kursi ee ugu sarreeya Dalka, waxaana jira tabashooyin xoogan oo laga tirsanayo, gabood-fallo siyaasadeed oo ay xiligaasi geysteen, yeelkeede, hadda waxa ay mar kale, doonayaan isku abaal-gud, xilliga doorashada, maadaama duruufahoodu isku mid yihiin.

187560cookie-checkQatar & Koox-Diimeedka Ictisaam Oo Saameyn & Dib u Heshiisiin Ka Dhex Wada Farmaajo & Kheyre