Madaxii Dab-Demiska Degmada Gabiley oo ku Geeriyooday Biyo-xireen

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa shil dhimasho oo ka dhacay Biyo-xireen ku yaala duleedka Degmada Gabiley, iyadoo la sheegay in Madaxii Laanta Dab/Demiska Degmada Marxuum Caydaruus Cumar Ibraahim uu u tagay inuu ku soo dabaasho goobta Biyaha…

Sida ay sheegeen Saraakiisha Laanta Dab-demiska Marxuumka ayaa ahaa Madaxa Laanta, wuxuuna halkaasi u tagay inuu ku soo dabaasho, waxaana ku wehliyay Xubno ka tirsan Askarta Laanta Dab-demiska, kuwaasoo ka soo badbaaday shilkaan, inkastoo isku dayo badan oo lagu badbaadinaayo Marxuumka ay fashil ku soo dhamaadeen.

Goobta Keydka biyaha (Dhaam), ayaa balaciisu lagu sheegay 28-kaabo oo mid kasta 1/5 mitir yahay, iyadoo ay ka banaan tahay 4-kaabo, taasoo kadhigan in 24-kaabo ay biyo fadhiyaan, waxaana la sheegay in kooxo Quusayaal ah oo gurmad ah laga keenay Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ay degmada soo gaareen xili dambe oo habeen, iyadoo aan lagu guuleysan in la badbaadiyo Marxuumka oo ku dhintay shilkaasi.

220720cookie-checkMadaxii Dab-Demiska Degmada Gabiley oo ku Geeriyooday Biyo-xireen
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com