Somalia Oo Qarka u saaran iney Gabaabsi ka noqdaan Raashinka Dibeda laga Keeno

Somalia news

Madaxweynaha Dowladda Federaalka M.Xasan Sheekh ayaa codsi deg deg ah u kala direy Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi, kadib markii Dalka ay soo food saartey cuno yari ay sababtey dagaalka Ruushka iyo Ukraine u dhaxeeya…

Mr.Xasan ayaa Madaxweynaha Turkiga ka codsaday inuu oggolaado in kor loo qaado tirada burka Somalia ka soo dhoofsato dekadaha Turkiga, sidoo kale Narendra Modi Raysalwasaaraha Hindiya ayuu u gudbiyay dalab ku aadan in loo fasaxo Ganacsatada in ay bariiska ka soo dhoofin karaan India.

Sare u kaca sicirka cunada la soo dhoofiyo:-

Ganacsade Soomaaliyeed oo la hadley VOA ayaa sheegay in qiimaha burka, saliida laga sameeyo ubaxa gabbaldayaha (sunflowers) iyo qiimaha baastadu ay aad kor ugu kaceen qiyaastii 150%, wuxuuna intaasi raaciyay saddexdan shay ay ka soo dhoofin jireen Turkiga.

Burka ayuu sheegay in 1000kg ay ku soo iibsan jireen $-350, halka uu hadda maraayo ilaa $-600, qiimaha baastada ayuu sheegay in 1000kg uu ahaa $450 dollar, halka uu haatan gaarey $-700, saliida cunada lagu karsado ayuu sheegay in qiimaheedu cirka isku shareeray, waxa taas dheer in ay adag tahay in la helo ama la soo dhoofiyo ayuu yiri Ganadsadaha.

210070cookie-checkSomalia Oo Qarka u saaran iney Gabaabsi ka noqdaan Raashinka Dibeda laga Keeno