Xiisado Ka Taagan Xarunta Qaxootiga Qaboobe ee Konfurta Gaalkacyo

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa Xiisad u dhaxeysa Maleeshiyo Beeleed iyo Ciidamada Amniga ayaa saakay ka taagan dhismaha xarunta Qaxootiga Qaboobe ee duleedka Gaalkacyo oo saakay uu booqan lahaa Filippo Grandi Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee (UNHCR) iyo wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug…

Wararka ayaa sheegay in Maleeshiyadkaan ayaa ka gadoodsan imaatinka Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug oo xalay diiday inuu qaabilo Odayaal degaanka ka soo jeeda, kuwaasoo doonaayay inay kala hadlaan arimaha khilaafka ka taagan maamulka Degmada Ceelguula Degmada Gaalkacyo Konfurta Mudug.

220240cookie-checkXiisado Ka Taagan Xarunta Qaxootiga Qaboobe ee Konfurta Gaalkacyo