Degdeg:- Diyaarad Ay leedahay Shirkadda Jubba Airways Ayaa ku Burburtay Garoonka Diyaaradaha Mogadishu

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helay shil diyaaraadeed oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha magaalada Mogadishu, waxaana la sheegay Diyaarad ay iska leedahay Shirkadda Jubba airways ay ku burburtay Dhabaha Diyaaradaha…

Wararka ayaa sheegay Diyaaradda Jubba Airways ay ku burburtay Garoonka diyaaaradaha, xilli ay soo caga dhiganeysay dhabaha (Run Way-ga) Garoonka, Diyaaraddan oo ka timid Baydhabo ayaa waxaa saarnaa rakaab gaarayay 33 qof oo dhammaantood ka badbaaday shilkaas diyaaradeed.

Inkastoo Goobjoogayaal ay sheegeen iney jiraan dhaawacyo soo gaaray Rakaabkii diyaarada sanaa, kuwaasoo loo qaaday Isbitaalada magaalada, lama sheegin dhimasho.

202010cookie-checkDegdeg:- Diyaarad Ay leedahay Shirkadda Jubba Airways Ayaa ku Burburtay Garoonka Diyaaradaha Mogadishu